telesom Dahabshiil

War Deg Deg Ah Madaxweynaha Dowlada Somaliya Farmaajo Oo Hada Gaadhay Magaalada Qardho iyo Ciida Oo Dhaqaaqday Sawiro 

Madaxweynaha Dowlada Fadareelka Somaliya Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo iyo Wafuud Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Ayaa Hada Gaadhay Magaalada Qardho Ee Xarunta Gobolka Kar Kaar.

Kumanaan Kamida Bulsho Waynta Ku Dhaqan Magaalada Qardho Oo Ku Labisan Astaanta Calanka Somaliya Ruxayana Caleemo Qoyan iyo Boodhadh Ay Ku Xardhan Yihiin Sawirada Madaxweyne Farmaajo Ayaa Soo Buux Dhaafiyey Wadooyinka iyo Fagaarayaasha Qardho.

Madaxweynaha iyo Waftiga Uu Hogaaminayey Ayaa Mid Mid U Gacan Qaaday Dadkii Soo Dhawayntiisa Ka Qayb Qaadanayey Waxaana Madaxweynaha iyo Waftigiisa Ugu Dabayn Loo Galbiyey Goob Aad U Bilicsan Oo Hadhimo Sharafeed Loogu Sameeyey.

Madaxda Dhaqanka Puntland Ayaan iyana U Kala Hadhin Soo Dhawaynta Madaxweyne Farmaajo iyagoo Hormuud U Ahaa Imaanshaha madaxweynaha Ee Qardho.

Sawiro Horudhac Ah Hoos Ka Daawo

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Click here to add Widgets