telesom Dahabshiil

Madaxweyne Farmaajo oo maanta booqanaya magaalada Qardho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu wadaa in uu maanta gaaro magaalada Qardho oo ka tirsan Puntland.
Wafdiga uu horkacayo Madaxweyne Farmaajo ayaa safarka uu ku tagayo magaalada Qardho waxa uu noqon doonaa mid dhulka ah iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.

Madaxweyne Farmaajo oo tan iyo markii uu ku guuleystey doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya ay tahay markii ugu horeysay ee uu booqdo deegaano kamid ah Puntland ayaa la filayaa inuu kula kulmo magaalada Qardho mas’uuliyiinta degmadaas iyo qaar kamid ah isimada Puntland oo halkaa saldhig u ah.

Wararka ka imanaya Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo ay shalay kula kulmeen magaaladda Garowe qaar ka mid ah isimada Puntland.

Wixii Faah Faahin Ah Ee Ka Soo Kordha Safarka Farmaajo Kala Soco Wararka Yaga dambe .

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Click here to add Widgets