telesom Dahabshiil

Xisbiga Kulmiye Oo Soo Dhawayn Balaadhan U Sameeyey Hargaysa Wasiir kii Hore Ee Umuraha Dibada Somaliland Udib Ugu Soo Laabtay Hargaysa : Muuqaal

Masuuliyiinta Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Ayaa Maanta Magaalada Hargeysa Soo Dhawayn Balaadhan Ugu Sameeyey wasiir Kii Hore Ee Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Mudo Dalka Ka Maqnaa.

Soo Dhawaynta Masuulkan Ayaa Sidoo Kale Waxaa Ka Qayb Qaadanayey Salaadiin Cuqaal Dhalin Yaro iyo Haween Wayne Taageero U Ah Xisbiga Kulmiye.

Maalmihii Udanbaysay Ayaa Magaalada Hargaysa Si wayn Looga Dareemayey Qaban Qaabada Soo Dhawaynta Siyaasi Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Miisaan Culus Ku Leh Somaliland Waxaana lagu Arkayey Wadooyinka Magaalada Hargaysa Boodhadh Ay Ku Xardhan yihiin Sawiradiiu iyo Hadalo Soo Dhawayn Ah

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Madashii Soo Dhawaynta Ka Hadlay Ayaa Sheegay In Uu Mar walba Taageero la Bar Bar Joogo Xisbiga Kulmiye iyo Musharax Muuse Biixi Cabdi.

Halkan Hoose Ka Daawo Soo Dhawaynta Dr Maxamed iyo Qudbadihii Madaxdii Soo Dhawaynaysay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Click here to add Widgets