telesom Dahabshiil

Nin doonayay inuu dilo Madaxweynaha Ruushka Putin oo lagu dhaawacay dalka Ukraine

Adam Osmayev oo ah muwaadin ka soo jeeda dalka Chechnya laguna eedeeyay in uu qorsheynayay inuu qaarijiyo Madaxweynaha Ruushka Putin, ayaa la dhaawacay xaaskiisana waa la dhaawacay kadib markii gaari ay wateen lagu weeraray magaalada Kiev caasimada dalka Ukraine.

La taliyaha Wasiirka Amniga Gudaha ee Ukraine, Anton Herashchenko ayaa sheegay in Adam Osmayev uu gaaray dhaawac fudud kadib markii rasaas lagu furay gaarigiiisii balse xaaskiisii Amina ay geeriyootay.

Sanadkii 2012-kii, saraakiisha Ruushka waxay sheegeen in Mr Osmayev looga shakiyay in uu qeyb ka ahaa koox Islaamiyiin ah oo qorsheynayay dilka madaxweyne Putin.

Warbaahinta Ruushka ayaa ku warramay xilligaa in qorshaha uu ahaa in miinooyiin lagu xiro fagaaraha Kutuzovsky ee Moscow, oo Mr Putin oo maalin kastaa tagi jiray.

Warqad ka socotay Ruushka ayaa Ukraine lagu weydiistay in ay Moscow ku wareejiso Mr Osmayev balse maamulka Kiev ayaa diiday dalabkaas.

Waxay sheegeen in maxkamadda xuquuqda aadanaha ee Yurub ay ka sugayaan in ay go’aan ka gaarto masaafurinta ninkaas. Bishii June ee sanadkan, wuxuu ka badbaaday iskuday dil oo ka dhacay Kiev. Ninkii weeraray waxaa dhaawacday xaaskiisa Amina Okuyeva.

Lamaanahan ayaa si wayn looga garanayaa dalka Ukraine, ka dib markii ay dagaalka ku caawiyeen militariga dalkaas ee la dagaallamayay mucaaradka taageerada ka hela Ruushka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan lagu qaaday ninka lagu eedeeyay in uu doonayay inuu dilo madaxweyne Vladimir Putin. Magaalada Kiev waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka dhacay weerarro lagu dilay siyaasiyiin magac lahaa iyo saxafiyiin.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Click here to add Widgets