|

Suxufi Ruug Caddaa Axmed Cali Faarax oo Maamulka Somaliland Ay Xabsiga Dhigeen.

Maamulka Somaliland ee Gacanta Ku haya Xaruunta Gobolka Sool ee Laascaanood oo Caadaystay Tacadiga Warbaahinta Ka hawl Gasha Magaaladaasi ayaa Maanta Xabsiga Dhigay Weriye Axmed Cali Faarax,kaasi oo haatan ka hawl Gali JIray Telefishinka Royal TV,Xadhiga Wariyahan waxaa ka danbeeyey Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Maxamud Xaaji Jeeni Yare kaasi oo Caadaystay Cabudhinta Warbaahinta Ka hawl Gasha Gobolka Sool.

Axmed Cali Faarax waxa uu ahaa Weriye Ruug Cadaaya oo kasoo Shaqeeyey Warbaahinta Qaybeheeda Kala Duwan,waxaana lagu xasuustaa axmed Wax qabadkiisa kii ugu Danbeeyey oo ahaa Kaalin wayn uu ka Ciyaaray Baahinta Wararka Shirkii Wada Tashiga Beelaha SSC ee Khaatumo 2 Kaasi oo niyad Jab ku ah Maleeshiyaadka SNM-ta, weriye Axmed Cali Faaarax waxa uu in badan ku sugna Magaalada Taleex waxa uuna hada

Laascaanood u yimi soo Booqashadda Xaafadisa oo Mudo Bilooyin ah aanu arag,sidoo kale Waxaa jira wariyayaal Kale oo dhawr ah oo Yagu aan nasiib u yeelan in ay Galaan Gudaga laascaanood isla mar ahaaantaana aan Xaafadohooda tagi karin.

Wariyayaasha Ku dhaqan Laascaanood ayaa ah kuwo Tacadiyo Kala Duwan kala kulma maleeshiyaadka Somaliland.

Shabakada Allbuuhoodle

Short URL: http://www.allbuuhoodle.com/?p=504

Posted by on Mar 31 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented